Wasiiru Dowlaha Wasraadda Caafimaadka HE.Dr Maryamo Maxamud Xuseen ayaa kurmeer ku tagta Isbitaalka  Guud ee Demartino Hospital

Agaasimaha Isbitaalka Dr. Abdirizak Yusuf Ahmed (Jalaaludiin) ayaa Wasiirka ku soo dhaweeyay Isbitaalka.
Wasiiru Dowlaha ayaa si guud u indha indheeysay Isbitaalka qaybihiisa kala duwann gaar ahaan qaybaha Bukaan socodka, Shaybaarka, qeybta Emerganciga, Qeebta Hooyadda iyo Dhallaanka , Qaybta Caruurta yar-yar iyo Qaybaha kale.
Wasiiru Dowlaha ayaa waxay warbixin ka dhageysatay Maamulka Isbitaalka Dr. Abdirisaq Yusuf Ahmed (Jalalaaludin) oo ka warbixiyay hanaanka uu u shaqeeyo Isbitaalka iyo sida ay hadda ay usocoto shaqada, waxa u si faahfaahsan u sharaxday baahiyaha hada ka jira Isbitaalka iyo caqabadaha ku horgudboon ee u baahan in laga gaaro xal dhab ah, maadaama Isbitaalku ka mid yahay Xarumaha Caafimaad ee Muwaadiniinta Soomaaliyeed sida bilaashka ah loogu daweeyo, kaasoo ay gacanta ku heyso Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Ugu dambayntii Wasiiru Dowllaha ayaa uga mahad celiyay Madaxda Isbitaalka iyo Dhamaan shaqaalaha Isbitaalka sida wanaagsan ay ugu adeegaan Bulshadda iyo dhabar adeega ay u muujiyeen xaaladaha adage ee isbitaalka soo maray iyo kuwa hada taagan.
DHAMAAD
 
Previous Qodobadda muhiimka ah ee ka soo baxay Shirka ku saabsan arimaha Gurmadka dag-daga Caafimaadka ee dhibataada qaraxii KM5 Zoobe

WASAARDDA

©Copyright 2023. FEDERAL MINISTRY OF HEALTH AND HUMAN SERVICES