Wasiiru Dowllaha Wasaaradda Caafimaadka oo booqday isbitaalka Hooyadda iyo Dhallaanka ee Banadir

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda  Caafimaadka HE.Dr Maryamo Maxamud Xuseen Duuliye  ayaa kormeer buuxa ku tagtay Isbitaalka Hooyadda iyo Dhallaanka ee Banaadir, Wasiirka waxaa ku soo dhaweeyay Isbitaalka Dr Fartuun Shariif Maxamed oo ah Agaasimaha Guud ee Isbitaalka.

Wasiiru Dowlaha ayaa si guud u indha indheeysay Isbitaalka qaybihiisa kala duwann gaar ahaan qaybaha Hooyadda iyo Dhallaanka , Qaybta Caruurta yar-yar , Qaybaha kale, waxeyna warbixin ka dhageysatay Maamulka Isbitaalka Banaadir Dr Fartuun Shariif Maxamed oo ka warbixisay  hanaanka uu u shaqeeyo Isbitaalka iyo sida ay hadda ay usocoto shaqada, waxa ayna si faahfaahsan u sharaxday baahiyaha hada ka jira Isbitaalka iyo caqabadaha ku horgudboon ee u baahan in laga gaaro xal maadaama Isbitaalku ka mid yahay Xarumaha Caafimaad ee Muwaadiniinta Soomaaliyeed sida bilaashka ah loogu daweeyo ee ay gacanta ku heyso Wasaaradda Caafimaadka Daryeelka iyo Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiiru Dowlaha ayaa intii kormeerka kujirtay Isbitaalka kula kulantay qaar kamid ah shaqaalihi baerisamaadkii ee ka hawl gali jiray Isbitaalka kuwaas oo isugu jira Umulisooyin iyo Shaqaala kale waxay marxabo iyo farxad laqaybsadeen saxiibadii hore oo wali u taagan shaqada qaranka iyo Daryeelka Bulshada.

Wasiiru Dowllaha oo aqoon fiican u leh Isbitaalka Hooyadda iyo Dhallaanka kana mid ahayd madaxdii Isbitaalka ee xiligii beri-samaadkii ayaa si weyn u og baahiyaha ka jiri kara Isbitaalka  Hooyadda & Dhallaanka waxeyna balanqaaday in ay u istaagi doonto waxa qabashada baahiyaha jira .

Ugu dambayntii Wasiiru Dowllaha ayaa uga mahad celiyay Madaxda Isbitaalka iyo Dhamaan shaqaalaha Isbitaalka sida wanaagsan ay ugu adeegaan Bulshadda iyo dhabar adeega ay u muujiyeen xaaladaha adage ee isbitaalka soo maray iyo kuwa hada taagan.

DHAMAAD

   

Previous Wasiiru Dowllaha Wasaaradda Caafimaadka oo daahfurtay aqoon Isweydaarsi loo qabtay Umulisooyin Soomaaliyeed

©Copyright 2023. FEDERAL MINISTRY OF HEALTH AND HUMAN SERVICES