Wasiiru Dowllaha Wasaaradda oo maantay goobjoog ka ahaa mashiin lagu wareejiyay isbitaalka Hooyadda & Dhallaanka ee Banadir

Wasiiru Dowllaha Wasaaradda Caafimaadka  oo ay wehliso agaasimaha Isbitaalka Banadir ayaa goobjoog ka ahaa Mashiin ay Hey’adda Hormud Salaam Foundation ku wareejisay isbitaalka Hooyadda & Dhallaanka ee Banadir Hospital.
Wasiiru Dowllaaha Wasaaradda Caafimaadka Dr Marayma Maxamad Xuseen Duuliye ayaa goobjoog ka aheed deeq ay hey’adda Hormud Selam Foundation , ku wareejisay isbitaalka Hooyada & Dhallaanka ee Banaadir, deeqdaan ayaa aheed matoor dab dhaliye ah kaas awood u leh in uu koronto bixiyo gaaraysa 275 KVA, Waxaana la filaa in uu si wayn u dabooli doona howlaha shaqo ee isbitaalka.
Wasiiru- Dowlaha Wasarada Caafimadka ayaa si diiran ugu mahadcelisay hey’addahey’adda Hormud Selam Foundation , (HSF) baaqna u dirtay Ganacsatada soomaliyeed inay ka qeyb qaataan garab istaaga isbitalada danta guud ee bixiya adeega Caafimaadka kaaso oo ay ka faaidaystaan dadka danyart ah ee aan awoodin lacagaha qidmaada ee adeega Caafimaad.
DHAMAAD
   
Previous Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ee XFS, oo maantay Xafiiskiisa Ku qaabiley Madaxda Midowga Bangiyada Soomaaliyeed.

WASAARDDA

©Copyright 2023. FEDERAL MINISTRY OF HEALTH AND HUMAN SERVICES