Xukuumadda federaala ee Soomaaliya waxay dhawaan hirgalisay, Sadex xarumood oo muhiim u ah ka jawaabista iyo maaraynta musiibooyinka, xarumahaan oo sadexduba muhiim u ah, maaraynta musiibooyinka iyo u adeegidda bulshada soomaaliyeed ee ay wax yeellada kasoo gaarto, oo kala ah.
- Xarunta Gargaarka iyo howlgallada ee ka jawaabista iyo maaraynta Musiibooyinka, taas oo hoos tagta Haydda maaraynta musiibooyinka oo dhawaan laga hirgaliyay gudaha isbitaalka foorlanin, (National Emergency Operation Center ), xaruntaan waxaa horay u dhagax dhigay xukuumadihii hore aa dalka, waxaana lagud dhagax dhiggay hargaha iyo saamaha, balse xukuumaddu waxay ku guulaystay in ay ka hirgaliso gudaha isbitaalka forlanini, dhismaheeda la dhamaystiro, laguna howlagalo, Xaruntan ujeedada loo aasaasay iyo shaqadeedu waa inay Hoggaamiso guud ahaan gurmadka degdeg ah ee musiibooyinka dhaca ama dhici kara, waxayna xariirinaysaa gurmadyada kala duwan ee hay’adaha dowladda ay kaga jawaabayaan, fatahaadaha, abaaraha, iyo musiibooyinka kale ee imaan karo kuwa dabiici ah iyo bani aadan sababay labaduba
- Xarunta U diyaar-garoga, maaraynta iyo la talacaalidda cudur dillaacyada iyo musiibooyinka caafimaadka guud la xariira (Public Health Emergency Operation Center), waa xarun hoos tagta wasaaradda caafimaadka iyo daryeel Bulshada, waxayna wasaaradda caafimaadku dhawaan ka hirgalisay gudaha isbitaalka D-martino, xaruntan waxay ka shaqaynayaa la socdoka cudurrada faafa, u diyaargarowga musiibooyinka la xariira caafimaadka guud sida cudur dillaacyada, dabagalka, maaraynta iyo ka jawaabista cudur dillaacdaya, dhawaan ayaa xarigga ay ka wada jareen wasiirka caafimaadak iyo raysalwasaaraha, iyadoo si buuxda loo howl galiyay
- Xarumaha gargaarka degdegga ah ee isbitaalada ku dhex yaal (Trauma centers/ Medical Emergency center), Waa xarumo hoos yimaada wasaaradda caafimaadka kana shaqeeya gargaarka degdegga ah ee dhaawacyada, gaar ahaan dhaawacyada ka yimaada qaraxyada iyo dhacdooyinka la midka ah, xarumahaan oo aan horay u jiri jirin, waxaa xarunti ugu horraysay laga hirgaliyay gudaha isbitaalka Madina oo kamid ah isbitaaladda ugu badan ee qaabila dhaawacyada, xarunta oo ay wada dhagax dhigeen raysal wasaaraha dalka iyo Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka Bulshada, ayaa la filayaa in ay wax badan ka badali doonto badbaadinta bukaanka iyo dawayntiisa.
DHAMAAD