Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa shalay si rasmi ah u daahfurtay Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka taasoo noqonaysa markii ugu horreysay ee golahan laga hirgeliyo gudaha dalka Soomaaliya.
Taariikh gaaban ee la xariirta Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka
Markii ugu horeysay, Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sanadkii 2012 bilowday diyaarinta Sharciga Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka, waxaana tan iyo xilligaas ay soo martay marxalado kala duwan. Sharcigan ayaa markii ugu horeysay loo gudbiyy Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya sanadkii 2014-kii, waxaana sharcigan uu maray akhrin dheer. Noofeembar 2019. Ka dib markii si rasmi ah loogu gudbiyay Xafiiska Madaxweynaha oo loo saxiixay sharciga, Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka ayaa si sharci loo meel mariyay Noofeembar 16, 2020.
KU SAABSAN NHPC
Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (GMCQ)Â waa hay’ad madax-bannaan oo nidaamisa xirfad-yaqaan oo shaqadiisa muhiimka ahi ay tahay inay bulshada ka ilaaliso ku-takri-falka caafimadka iyo horumarinta heerarka anshaxa ee xirfadlayaasha caafimaadka Soomaaliyeed. Xeerka Golaha Xirfadlayaasha Caafimaadka Qaranka ee 2020 (Lr. 31) ayaa lagu aasaasay.
Shaqooyinka muhiimka ah ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (GMCQ)
- Diiwaangelinta iyo shati siinta dhammaan xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka iyo nidaaminta hab-dhaqankooda xirfadeed
- Bixinta shatiyada xarumaha caafimaadka ee u qalma in ay maamulaan adeegyada daryeelka caafimaadka
- Machadyo tababar caafimaad oo la aqoonsan yahay oo soo saara shaqaale caafimaad
- Oggolaanshaha ama diidmada kale ee barnaamijyada tababarka ee dhakhaatiirta caafimaadka
DHAMAAD
 Â