June 14 2023: waxaa hadda furmay Munaasabadda Shirwaynaha qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka (NHWS2023) oo ka dhacaya Muqadisho, Hotelka jazeera.
Munaasabadda waxaa kasoo qeybgaley Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dr Maryama Maxamed Xuseen, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Axmed Yuusuf Cabdulle, Wasiiro, Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xubno ka socda Hey’addaha Caalamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya agaasimayaasha awasaaradda Caafimaadka, bahwaynta Caafimaadka Soomaaliya, Xubno ka socda xarumaha Caafimaadka dalka xirfadlayaasha caafimaadka, siyaasad-dejiyeyaasha, iyo daneeyayaasha dalka oo dhan si looga wada hadlo arrimaha la xiriira shaqaalaha caafimaadka.
Shirka ayaa ah mid muhiim u ah bulsho waynta Soomaaliyeed maadaama qorshuhu yahay sidii loo helli lahaa Shaqaale Caafimaad oo tayo leh taas oo kor u qaadeysa guud ahaan Caafimaadka Soomaaliya.
Furitaanka Shirka
Shirwaynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka (NHWS2023) waxaa si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaare xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa soo gebagaboobay qeybtiisii hore ee maalinta koowaad.
Shirka ayaa socon doona muddo laba maalin ah waxaana looga hadli doonaa tayeynta Shaqaalaha Caafimaadka Iyadoo qeybaha shirka ay ka mid yihiin doodo muhiim u ah Caafimaadka guud dalkeena.
waxaa hadda soo gebagaboobay qeybtii hore ee Shirka iyadoo daqiiqado ka dib lagu soo laaban doono hoolka loogu talagaley Shirka si loo sii amba qaado qeybaha kale ee Shirka iyo Panel-liskii loogu talagaley qeynta koowaad ee Shirka.














Soo jeedintii ugu horaysy Shirka
Proff Khaliif Bille Maxamuud ayaa si toos ah Shirwaynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka ka jeedinya persantation muhiin ah oo ku saabsan sidii loo xakamayn lahaa Shaqaalaha Caafimaadka iyo sidii looga warqabi lahaa qaadashada Aqoonsiga dhakhtarnimada maadaama tayada Caafimaad ay muhiim u tahay xaqiijinta arrintan.
Profosorka ayaa ku dheeraaday ahmiyadda uu leeyahay Caafimaadka iyo kor u qaadidka xirfadda Shaqaalaha Caafimaadka iyadoo la raacayo xeerarka caalamiga ah ee Caafimaadka, waxa uuna xusey in halka maanta uu joogo caafimaadka Soomaaliya loo baahan yahay in laga sii dhaqaajiyo.
Prof. Khaliif Bille Maxamuud
Dood Cilmiyeed 1aad (1st Panel Discussion)
Prof. Khaliif Bile Maxamuud ayaa soo jeediyey mowduuc ku saabsan nidaamka midaynta adeegga Caafimaadka iyo tirada dadka ee adeegga Caafimaadka u baahan, Kadibna waxaa xigay Dood Cilmiyeed 1aad (1st Panel Discussion)
Panelka ugu horeeya Malinta 1aad ee Shirwaynaha Shaqaalaha Caafimaadka qaranka oo hadda socda ayaa dirada lugu saarayaa “Health Workforce Regulations”.
Panel-ka waxa hogaaminaya Prof. 𝐃𝐫. 𝗞𝗵𝗮𝗹𝗶𝗳 𝗕𝗶𝗹𝗲 𝗠𝗼𝗵𝗮𝗺𝘂𝗱 sido kale waxa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya 𝗛.𝗘 𝗗𝗿. 𝗔𝗹𝗶 𝗛𝗮𝗷𝗶 𝗔𝗱𝗮𝗻 𝗔𝗯𝘂𝗯𝗮𝗸𝗮𝗿, 𝗛𝗼𝗻. 𝗗𝗿. 𝗠𝗼𝗵𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗘𝗹𝗺𝗶, 𝗛.𝗘. 𝗗𝗿. Hawa Mohamed wasiirki hore ee Wasaaradda Caafimaadka hadana ah Safiirka Soomaaliya Dalka Zambiya, 𝗠𝗗, 𝗛.𝗘. 𝗗𝘂𝗮𝗹𝗲 𝗔𝗱𝗮𝗺 𝗠𝗼𝗵𝗮𝗺𝗲𝗱 iyo Sanator Prof/Dr. Osman Mohamud Dufle,
Gaba-gabadii Shirka maalinta 1aad:
Waxaa hadda lasoo gebagabeeyey maalintii koowaad ee Shirwaynaha Qaran ee Shaqqalaha Caafimaadka iyada oo Ajendaha maalinta 1-aad uu si habsami leh u soo dhamaadey.
Waxaa hirgaley Furitaanka Shirka , khudbadaha furitaanka Shirka iyo dood Cilmiyeedkii koowaad ee maanta ee ku aadanaa nidaamka maareynta adeegyada iyo Shaqaalaha bixiya adeegga Caafimaadka, iyadoo dhanka kalana ay garab socdeen 4 mawduuc oo ay soo jeediyeen khuburaddii Shirka kulahaa soojeedinta kala duwan ee Khudbadaha.
Waxaa gebagebadii Shirka lasoo jeediyey Persantations looga hadlayey Mowduucyo la xiriira Shirwaynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka iyada oo sidoo kalana la soo bandhigay Cilmi baarisyo Caafimaad.
Waxaan u mahad celinaynaa dhamaan Madaxda, Shaqaalaha Caafimaadka iyo qeybaha kala gedisan ee kasoo qeybgaley Shirwaynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka kuwaas oo noo huray waqtigooda qiimaha badan.
Shirka waxaa xiriirinayey maanta Dr Abdirizak Yusuf Ahmed Jalaaludiin oo ah Agaasimaha Isbitaalka Demartino ee magaalada Muqdisho.
DHAMAAD