Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda oo si rasmi ah u daahfurtayGolaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (NHPC)

Muqdisho 2 May 2023, waxaa hadda si rasmi ah u furmay Munaasabadda Daahfurka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (NHPC) oo ka dhacaysa Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda waxaa ka soo qeybgalay Madaxda Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasiiro heer Federaal iyo heer dowlad gobleed ah, Xildhibaanada labada Aqa lee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyo, Madax kasocota Hey’addaha kale ee Dowladda iyo Hey’addaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya howlaha Caafimaadka Soomaaliya.

Golaha Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka (GMCQ) waa gole madax bannaan oo leh sifo-qaanuuneed marka uu gudanayo xilalkiisa la xariira howlaha loo igmaday, GMCQ waxey u taagan tahay ilaalinta nidaamka daryeelka Caafimaadka iyada oo loo marayo sharciyeynta heerarka mihnadda ku dhaqankooda haboon yahay,isla markaana akhlaaqda iyo anshaxoodu wanaagsan tahay.

GMCQ waxa uu ka kooban yahay 15 xubnood oo 30% yihiin haween, xubnaha waxey ka yimaadeen dhammaan ururadda mihnadlayaasha Caafimaadka dalka, wasaaraddaha bah wadaagayihiin iyo Ururka Bulshada Rayidka sidoo kale Xubnha ugu sareeya ee Maamulka Golaha oo kala ah Xoghayaha Guud iyo ku xigeenka waxaa meel mariyay dhammaan Xubnaha Guddiga Golaha si aqlabiyad ah.

Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (NHPC), waxay diiradda saari doontaa in Bulshada Soomaaliyeed ay ka ilaaliso ku xad-gudubka ku dhaqanka Caafimaadka iyo horumarinta heerarka anshaxa ee xirfadlayaasha Caafimaadka ee Soomaaliya.

                                                                         DHAMAAD
 

Previous Wasaaradda Caafimaadka oo ku wareejisay qalabka xarumaha Caafimaadka ee guuguura kuwaas oo loogu tala galay Hooyada iyo Dhallaanka Wasaaraddaha Caafimaadka ee Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.