Xafladda Wareejinta Xilka Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa maanta oo taariikhdu tahay 10 Agoosto 2022, waxey diyaarisay xil-wareejin heer sara ah taasoo ay Xilka kuwarerjinayeen Wasiiraddii hore ee Wasaaradd Caafimaadka Dr. Fawziya Abikar Nur iyo Dr. Ahmed Hussein Moalin (Dr.Gurey).
Munaasabada Xilwareejinta waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac. Ugu horeyntii waxaa soo dhaweynta martida sameyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dr. Abdinasir Mukhtaar Ibraahim kadibna ku soo dhaweeyay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaaadka Dr. Fawziya Abikar Nur oo halkaasi ka jeedisay Khudbad dheer oo ku saabsan wax qabadkii Shantii sano iyo barkii ay Wasiirka ka hayd Wasaaradda.
Intaa kadib waxaa kalmad qiima leh kajeediyay Munaasabda Xilwareejinta Wasiirka Cusub ee Wasaarada Dr. Ali Haji Adan oo ku hadlay magaciisa iyo Magscyads Wasiir Ku-xigeenka Cusub iyo Wasiiru Dowlaha Cusub.
Wasiir Dr. Ali Haji Adan ayaa ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo khudbada xilwreejinta kajeediyay Munaasabda. Intaa kadib dukumintiga Xilwareejinta ayaa waxaa kala saxiixday Wasiirka Xilka Wareejinayay Dr.Fawziya Abikar Nur iyo Wasiirka Xilka Lawareegayay Dr. Cali Xaaji Aadam, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS. Xilwareejinta waxaa makhraati iyo marag ka ahaayeen Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac & Xafiiska Hanti-dhowrka Qaranka.
Wasiiradda cusub ee Xilka la wareegay maanta:
1) Dr Cali Xaaji Aadam, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS.
2) Dr. Maryam Mohamed Duliye, Wasiru Dowllaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS.
3) Dr. Mohamed Hassan Mohamed (Bulaale), Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadk Dr Cali Xaaji Aadam1. Dr Cali Xaaji Aadam, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS.
Wasiiru Dowllaha Wasaaradda Caafimaadka ee XFS, 2. Dr. Maryam Mohamed Duliye2. Dr. Maryam Mohamed Duliye, Wasiiru Dowllaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee XFS, 3. Dr. Mohamed Hassan Mohamed (Bulaale), 3. Mohamed Hassan Mohamed (Bulaale), Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS
Guulaha Waaweyn ee ay Gaartay Wasaaradda Caafimaadka Iyo Daryeelka Bulshadda Muddadii xilka uu hayay Wasiirkii hore:
1. Bixinta adeegyo Caafimaad oo lacag la’aan ah.
2. Waxaan samaynay Qorshaha Istaraatiijiyadda Nidaamka Caafimaadka (HSSP II & HSSP III).
3. Waxaan samaynay Qorshaha Adeegga Caafimaadka loo Dhanyahay (Universal Health Coverage- UHC).
4. Waxaan ku guulaysany meel-marinta Sharciga Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (NHPC Act-No.31).
5. Waxaan ku guulasanay ka shaqaysiinta Machadka Caafimaadka Qaranka (National Institute of Health).
6. Waxaan Baarlamaanka la yaalla Sharciga Daawada iyo Qalabka (National Medicines Regulatory Authority).
7. Dib-u-habayn Waaxyaha Wasaaradda si loo dardar geliyo hawlaha muhiimka ah ee horyaalla Wasaaradda.
8. La wareegidda Isbitaallada Qaranka oo 2 ah (Banadir & Martini).
9. Wadarta shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka ee mushaarka/gunnada ka qaata Wasaaradda Maaliyadda waxay ahaayeen 132 (shaqaale joogta ah) iyo 75 (shaqaale kumeel gaar ah). Maanta waa 132 (shaqaale joogta ah) iyo 360 shaqaale kumeel gaar ah.
10. Waxaan dib-u-habayn ku samaynay Xirmooyinka Caafimaadka Asaasiga ah (Essential Package of Health Services- EPHS 2020).
11. Waxaan dib-u-habayn ku samaynay Maamulka Maaliyadda Wasaaradda:
12. Waxaan hirgelinay system-yo electronic ah oo lagu maamulo xogaha maaliyada iyo iibka.
13. Waxaan samaynay qaybta iibka, tababarkii loo baahanaana siinay shaqaalaha Waaxda Maamulka Maaliyadda.
14. Waxaan marnay 12 Baaris Dibadeed oo khuseeya sanad maaliyadeedyada 2020 iyo 2021, waxaana dadliil cad u ah warbixnnada kusoo dhamaaday sida guusha ah.
15. Miisaaniyadda Wasaaradda Caafimaadka ee markii sandkii 2017-kii ahayd $1.2 million, sanadkaana 2022 waxay kor u dhaafaysaa $75 million.
Arimaha Caabuqa COVID-19:
16. Waxaan wadanka keenay warshado Oxygen sameeya oo aan si siman ugu qaybinay Maamul Goboleedyada dalka.
17. Waxaan ku guulaysanay dhaqaale u raadinta COVID-19, oo hada miisaaniyadda loo hayo gaarayso $103 million.
18. Waxaan baahinay qaadashada tallaalka ka hortagga Caabuqa COVID-19, oo la gaarisiiyey dalka oo dhan.
DHAMAAD 
Xafladda Wareejinta Xilka Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Previous Xaska Todobaadka Naas-Nuujinta Aduunka 2022, Kor u qaad Naas-Nuujinta oo Hooyadda bar kuna taageer

©Copyright 2023. FEDERAL MINISTRY OF HEALTH AND HUMAN SERVICES