XUSKA MAALINTA DHALLAANKA DHICISKA ADDUUNKA 17 NOVEMBER 2022.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ayaa maaanta qabatay munaasabad lagu xusayey maalinta Dhallaanka aan dhamayska ku dhallan, (dhiciska) ee Adduunka, taas oo loo asteeyey maanta oo ay taariikhdu aheyd 17 Novermber Sanad wabla, Munaasabadan wuxuu haddafkeedu ahaa in aan isu tagno sidii lagu badbaadin lahaa, laguna yareen lahaa dhimashadda dhallaanka waqtiga dhalashada
Hal kudhiga sanadkaan ee ay qaadatay Wasaarada Caafimaadka ee Maalintaan dhallaanka dhiciska adduunka, waxa uu diiradda saarayaa sidii loo hormarin lahaa xiriirka Hooyada iyo Dhallaanka daqiiqadda uu dhasho loona sameyn lahaa isku dhejinta Hooyada iyo ilmaheeda inta aan xudunta laga jirin, si uu ilmuhu u dareemo, dareenka Hooyonimada, dheelitirka diiramaadka ilamaha iyo dhaqso u haweysashada naas jiqiidda ( Skin -Skin Contact)
Wasaarada Caafimaadku waxay muhiimad gaar ah siin doontaa sare u qaadidda Caafimaadka Hooyadda iyo Dhallaanka, kuwa ku dhasha dhiciska iyo kuwa ku dhasha dhameyska dhamaantood, Munaasabaddan waxaa goobjoog u ahaa wasiiru Dowlaha wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr Maryan Maxamad Xuseen,
Wasiiru dowlaha waxay halkaas ka jeedisay khudbad aad u qiima badan oo taabaneysay baahida loo qabo kor u qaadida Daryeelka dhallaanka ku dhasha dhiciska, waxaa kaloo halkaas ka hadalay masuuliyiin ka socday wasaaradda caafimaadka, agaasimaha cispitaalka Hooyadda iyo Dhallaanka Banadir, Dhaqaatiir ka socday ururka dhaqaatiirta, cisbitaaladda magaalada, dad badan oo ka kala socday Bulshada qeybaheeda kala duwan, aqoonyahano, caafimaad, , waxaa kaloo ka soo qeybagalay madaxdda hay’adda kala duwan ee ka howl gala Gobalka Banaadir.
DHAMAAD
    
Previous Wasiirka Caafimaadka oo daahfuray Ollalaha Talaalka ilmaha ee laga Tallaalaayo  Jadeecada , Dabaysha , Tallaalka ayaa socon doono muddo 5 Cisho ah

©Copyright 2023. FEDERAL MINISTRY OF HEALTH AND HUMAN SERVICES