Xuska Todobaadka wacyigelinta Bulshada ee ku Aadan daawooyinka jeermis-dilaha ee adkeysiga loo yeeshay

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa Muqdisho ku qabatay Xuska Todobaadka wacyigelinta Bulshada ee ku Aadan daawooyinka jeermis-dilaha ee adkeysiga loo yeeshay, Iyadoo lagu gudo jiro Todobaadka wacyigelinta Bulshada ee ku Aadan daawooyinka jeermis-dilaha ee adkeysiga loo yeeshay ayeey Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo kaashaneysa Hay’adda WHO Waxey Muqdisho ku qabatay kulan wacyigelin oo lagu hadlaya qataraha Caafimaad ee kadhalata si qaldan u isticmaalka daawooyinka Jeermis dilayaasha Taas oo sababi horseedi karta In jeermisku adkeysi u yeesho daawooyinka jeermis-dilaha ah Islamarkaana aysan ugu dambeyn waxba u tarin qofka bukaanka ah lkn ayba suurogaltahay inuu Qatar Caafimaad kala kulmo.
Kulanka oo sanadkan Halku dhig looga dhigay waa inaan si wadajir ah uga hortagnaa daawooyinka jeermis-dilaha ee adkeysiga loo yeesho, Kulanka inta uu socday lagu soo bandhigay Cilmibaarisyo iyo doodo ay ka qeyb galeyn dhaqaatiir iyo khuburo Caafimaad Kuwaas oo iftiimiyay dhibaatada arintaan
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Dr Cabdinaasir Mukhtaar Ibraahim Ayaa ka hadlay doorkoodu ku Aadan ka hortagga Daawooyinka jeermis-dilaha ee adkeysiga loo yeeshay
DHAMAAD
          
Previous XUSKA MAALINTA DHALLAANKA DHICISKA ADDUUNKA 17 NOVEMBER 2022.

WASAARDDA

©Copyright 2022. FEDERAL MINISTRY OF HEALTH AND HUMAN SERVICES