Ministry of Health FGS- delegation attend the 75th World Health Assembly 2022, in Geneva

Wafdi  ay hogaaminayso Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa waxay ka qayb galeen shirrar waddatashi ah oo ay layeesheen hy’addaha u dooda helidd Tallaalo marksta. Shirka koobaad oo wafdigu ay la yeesheen Isbahaysiga Tallaalka Adduunka ( GAVI ) ayaa waxaa looga hadlay siddii loo baahin lahaa Tallaalada cudurrada dilaaga ah (sida Gowracatada, Qoorgooyaha, Dabeysha, Qaaxada, Teetanada & Cagaarshowga) loona cirib tiri lahaa xanuunadan iyaga ah. Intii Shirku socday waxaa aad looga hadlay siddii loo yarayn lahaa carruurta aan talaalayn; Sidoo kalana loo baahin lahaa helitaanka Tallaaka ka hortaga xanuunnada kala ah Oofwareenka iyo Qoorgooyaha ku dhaca Carruurta.

Oofwareenku waa cudurka koobaad ee dilla Carruurta ka yar 5 sano, sidaa daraadeed waa muhiim in laga hortago maadaama uu Sanadwalba xanuunkani dilo inka baddan 15 kun oo carruurteena ka mid ah.

 

Soomaaliya oo ka mid ah wadamada uu xanuunkani sida xoogan ugu dillo carruurta da’dodu ka yartahay 5 sano ayaa helitaanka talaalkani wuxuu leeyahay muhiimad gaar ah. Waxaana rajaynaynaa in sanadkan wixii ka danbeeya talaalkan la keeno dalkeena si ay uga faa’iidaystaan carruurteenu.

Wafdigii kasocday Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Dawladda Federalka Soomaaliya ee maalmahan ka qayb galayay shirka sanadlaha ah ee Ha’ayadda Caafimaadka Adduunka ee kasocda Magaalada Geneva ee Dalka Switzerland ayaa maanta shir gaar ah la yeesheen Agaasimaha Bariga iyo Bartamaha (Mandiqada Midhitareeniyaanka) ee Hay’ada WHO Dr.Ahmed Almandheri.

Wasiir Dr.Fawziya Abikar Nur ayaa kala hadashay Agaasimaha in uu xaqiijiyo in aqoonyahanadda Caafimaadka Soomaaliyeed helaan qoondada shaqaalaha ee xarunta dhexee ee Mandiqada ee ku taala dalka Masar.

Si taa lamida Wasiirada ayaa aad ugu adkaysay in xirfadlayaasha Soomaaliyeed markaste tixgelinta 1aad lasiiyobsida in fursadaha kala duwan ee kasoo baxa Xafiiska Soomaaliya ee Ururka Caafimaadka Aduunka; iyo deeqo Waxbarasho oo ay ku jirto ilaa heer Jaamacaddeed iyo tababarada kale ee kor u qaadi kara aqoonta iyo kartida Mihnadlayaasha Caafimaadka.

Maalmihii ugu danbeeyay ee Shirka Sanadlaha ah ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee ka socday Magaalada Geneva ayaa xalay wafdigii ay hoggaaminaysay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya Dr. Fawziya Abikar Nur waxa ay qabatay kulan gaar ah oo aad muhiim ugu ah Caafimaadka Dalkeena Soomaaliya.

Kulankan waxaa siwadajir usoo agaasimay Wasaaradda Caafimaadka, Safaaradda Soomaaliya Switzerland iyo Hay’dda Caafimaadka Aduunka kaasoo ciwaankiisu ahaa “ Sidii kor Loogu Qaadi Lahaa Bixinta Adeegga Caafimaadka, iyada oo laga Faa’iidaysanayo Awoodaha iyo Fursadaha Casariga ah sidda hawada bukaanka la siiyo ee lagga dhaliyo iyadoo la adeegasanayo danabka qoraxda“.

Kulankan oo si heera sare ah loo soo Agaasinay ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiiradda Wasaaradda Caafimaadka, qaar kamid ah Safiirada dalalka Africa, Khubarada ugu sarraysa Hay’adda Caafimaadka Adduunka iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqan.

Shirkan ayaa wuxuu indhaha kusoo jeediyay guulaha laga gaadhay yoolka aynu ka hiigsanayno balaadhinta helidda adeega caafimaadka iyo waxyaabaha ay tahay in dalkeenu horay usii amba qaado.

Previous Public Sector for Good Governance Conference