Shirka 4-aad ee Wadatashiga Wasaaradda Caafimaadka XFS iyo Wasaaraddaha Caafimaadka ee Dowlad Goboleedyada oo maata lagu qabtey Muqdisho; Madashan oo taxana ah waxaa martgeliyey Agaasinka Caafimaadka ee Gobolka Benaadir
Madashan Ballaaran oo socon doonta muddo 3 cisho ah ayaa ah madashii 4aad oo ay yeeshaan Wasaaraddaha Caafimaadka heer Federal iyo heer Dowlad Goboleed taas oo looga hadli doono horumarinta hawlaha Caafimaadka ee Dalka. Madasha waxaa furey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan waxaana kasoo qeyb galey Wasiiradda Caafimdaaka Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, Agaasimayaal iyo khuburo dhanka Caafimaadka ah.
Madasha inta ay socoto waxaa lagu lafa guri doonaa wixii ka qabsoomay qodobaddii kasoo baxay Shirarkii ka kala dhacay Garoowe-Puntland, Kismaayo-Jubaland iyo Muqdishu -Gobolka Banaadir oo ahaa qodobo aas aas u ah horumarinta Caafimaadka iyo ka dhabeynta ta hiigsiga dhow ee isbadalka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.
Shirka waxaa lagu soo bandhigi doonaa howlaha hortabinta leh ee horyaala Wasaaraddaha Caafimaadka iyo Wasaaraddaha Dowlad Goboleedyada iyo wixii ka qabsoomey qodobadii horey hoosta looga xariiqey ee ay ka mid ahaayeen daadejinta barnaamijka Caafimaadka ee ilaa heer Dowlad Goboleed.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Cali Xaaji Aadan oo furey Shirka ayaa sheegey in si dhab ah ay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ula shaqeyn doonta Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowlad Goboleedayada maadaama Bushada Soomaaliyeed ay u baahi qabaan adeegyada Caafimaadka.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegey in Mashaariicda horyaala Wasaaradda Caafimaadka XFS si buuxda looga talagelin doona Wasaaradaha Dowlad Goboleedya si Bulshada Soomaaliyeed u helaan adeeg Caafimaad oo dhaneystiran oo ka turjumaya baahidooda. Wasaaradda Caafimaad waxay sii amba qaadi doontaa dadaaladii horey u socdey ee horumarinta Caafimaadka, iyadoona xoojin doonto wadashaqeynta ay la leedahay Wasaaradaha Dowlad Goboleedayda.
Wasiiradda Shirka kasoo qeybgalay:
1- H.E. Dr. Ali Haji Adan: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee DFS.
2- HE Dr. Mohamed Hassan Mohamed:
Wasiirka Ku-Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee DFS.
3- H.E Abdiweli Abdullahi Jama: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Dowlad Goboleedka Galmudug.
4- H.E. Mohamed Osman Haji: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
5- H.E. Mohamed Mohamud Adow: Agaasimaha Caafimaadka ee Maamulka Gobalka Benaadir.
6- H.E Jamac Farah Hassan: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Dowlad Goboleedka Puntland.
7- H.E Mohamed Ibrahim Ogle: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Dowlad Goboleedka Jubbaland
8- Dr. Zakariye Mohamed Ahmed: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle.
END















