Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada JFS waxay ku wargelinaysaa in laga bilaabo 10-ka Janaayo 2025 ay bilaabayso nidaam lagu hubinayo daawooyinka iyo agabka caafimaadka dalka soo galaya si loo yareeyo ama looga hortago waxyaabaha soo socda:
1. Daawooyinka iyo agabka caafimaadka ee tayadoodu hooseyso.
2. Daawooyinka iyo agabka caafimaadka ee been-abuurka ah.
3. Xakamaynta daawooyinka u baahan in si gaar ah loo maareeyo (narcotics and psychotropic substances).
4. Kormeerka daawooyinka jeermiska-dilaha ah ee adkaysiga loo yeeshay, sida daawooyinka loo isticmaalo cudurka Qaaxada.
Fadlan wixii faahfaahin ah kala soo xiriir: Xafiiska Hay’adda KMG ee Maareynta Tayada Daawada (NMRA) oo hoos yimaada Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.
Email: info@nmra.gov.so