Wasiirka caafimaadka oo ka qaybgalay kulanka looga hadlayay Iswaafajinta maalgelinta Caafimaadka Caalamiga ah

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa Magaalada Newyork kaga qeybgaley Kulan looga hadlayey Iswaafajinta maalgelinta Caafimaadka Caalamiga ah iyo la xisaabtanka siyaasadeed oo muhiim u ah horumarka Caymiska Caafimaadka Caalamiga ah (UHC).

Madasha Caafimaadka loo dhan yahay ayaa lagu hubiyaa dhammaan shakhsiyaadka iyo bulshooyinka in ay helaan adeegyo Caafimaad oo tayo leh iyagoon la kulmin dhibaato dhaqaale si loo gaaro yoolka UHC, Waxaa sidoo kulanka la iskula soo qaadey xiriirka adag ee ka dhexeeya maalgelinta Caafimaadka iyo isla xisaabtanka siyaasadeed.

Kulanka waxaa sidoo kale looga hadlay Maalgelinta Caafimaadka daah-furnaanta iyo la xisaabtanka Dawladaha iyo Ururada Caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka iyadoo la xaqiijinayo hab maaliyadeedka hufan ee la iskula xisaabtami karo taas oo ay ku jirto qoondayaal cad oo miisaaniyadeed, iyo nidaamyo maamul maaliyadeed oo wax ku ool ah, dawladaha ayaa ku xisaabtami doono qoondaynta iyo ka faa’iidaysiga lacagaha Caafimaadka si loo hubiyo inay ku jihaysan yihiin ujeedooyinka UHC.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixintiisa ku sheegey in ballanqaadyada siyaasadeed ee adag ay lagama maarmaan u tahay gaaritaanka Caafimaadka Loodhanyahay (UHC) sidoo kalena in Dawladuhu u baahan yihiin mudnaan siinta Caafimaadka ajandayaashooda siyaasadeed oo ay ka go’an tahay in ay maal-gashi mustaqbalka fog ah ku sameeyaan nidaamyada Caafimaadka.

Wasiirka ayaa sidoo kale yiri hogaamiyayaasha siyaasadu waa inay u doodaan dib-u-habaynta siyaasadda lagama maarmaanka ah, abaabulka kheyraadka, iyo qaab-dhismeedka sharciga si ay u taageeraan Caafimaadka loo dhanyahay, ka-qaybgalka hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo go’aan-qaadayaasha ayaa muhiim u ah is-waafajinta maalgelinta Caafimaadka iyo la xisaabtanka siyaasadeed.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an hellitaanka Caafimaad dhamaystiran oo tayo leh islamarkaana ka hirgala guud ahaan dalka si loo gooro yoolka dowladda ee hagaajinta iyo xoojinta nidaamka Caafimaadka Soomaaliya.

DHAMAAD

Previous Wasiirka Caafimaadka oo ku sugan New York ayaa ka qaybgalay kulan heer sare ah oo looga hadlayay sare u qaadida badbaadada caruurta la il daran Nafaqo-Darada.

WASAARDDA

©Copyright 2023. FEDERAL MINISTRY OF HEALTH AND HUMAN SERVICES