Soomaalia oo si rasmi ah xubin ugu noqotay UN group tp Eliminate hepatitis oo ah Urur u taagan davargoynta Cudurka Cagaarshowga

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr Ali Haji Aden ayaa Khudbad ka jeediyey Shir duceedka looga hadlayey dabar-goynta Cudurka Cagaarshowga iyo gaarista hiigsiga dhamaadka Cudurkan oo la madliyey gebagebadiisa 2030-ka kaas oo lagu qabtay Magaalada New york ee uu kasocda Shirka Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey.

Dr Ali Haji adan Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa yiri “Ciribtirka cagaarshowga Soomaaliya gaar ahaan meelaha dhowaan la xoreeyay ee ay kooxaha argagixisadu muddo tobanaan sano ah gacanta ku hayeen waxey ka mid tahay kaabayaasha daryeelka caafimaadka ee xadidan, waxaanse ku dadaaleynaa inaan tabarteena isugu geyna sidii aan u ciribtiri lahayn inagoo kaashaneyna hay’adaha caalamiga ah ee na taageera.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegey in tobankii sano ee la soo dhaafay, daryeelka caafimaadka uu sameeyay horumar la taaban karo, oo ay ugu horreyso maalgashi la taaban karo oo ka yimid waaxyaha gaarka loo leeyahay iyo tabarucaadka deeq bixiyayaasha caalamiga ah.

Wasiirya waxa uu sidoo kale yiri “Bishii Nofeembar 2022, Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hirgelisay xafiis u gaar Ciribtirka Cagaarshowga iyo la tacaalidda dadka qaba xanuunka cagaarshowga si loo xakameeyo faafitaanka cudurkan iyo sidii ugu dambeyntiina meesha looga saari lahaa cudurka, taasoo qayb ka ah dadaallada imika socda, waxaan ku faraxsanahay inaan ku biirnay Kooxda Saaxiibada ee Qaramada Midoobay ee Ciribtirka Cagaarshowga si loo baabi’iyo fayriska Cagaarshowga.

                                                                                            DHAMAAD
Previous Wasiiru Dowllaha Wasaaradda Caafimaadka oo booqatay isbitaalka Guud ee Demartino

WASAARDDA

©Copyright 2023. FEDERAL MINISTRY OF HEALTH AND HUMAN SERVICES