Wasiiru Dowllaha Wasaaradda Caafimaadka oo booqatay isbitaalka Guud ee Demartino

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr Maryama Maxamed Xusseen ayaa maanta Isbitaalka DeMartiini ka daahfurtay olole balaaran oo baaris daaween iyo qaliimo bilaash ah loogu sameenayo bukaanada danta yar ee qaba xanuunada lafaha jajabka oo ay fulinayaan qubaro Caafimaad oo ka Yimid Dalka Talyaaniga. Qubaradaan ayaa dhanka kale inta ay joogaan qiimeen ku sameen doona Isbitaalka iyagoo tala kasiin. Doona Isbitaalka sidii looga hirgalin lahaa xarunta ugaar ah daaweenta iyo qaliinada lafaha.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ku soo wareegtay dhamaan qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay Isbitaalka oo isugu jirtay qeybta shaybaarka, qeebta Raajada, qeybta bukan socodka ama (OPD), qeybta emergencyga iyo qeybta salada qalinka, waxa ayna sidoo kale dul istaagtay bukaano lagula tacaalayey xaaladdooda Caafimaad Isbitaalka.

Wasiiru Dawlaha Wasarada Caafimaadka ayaa sidookale ka tacsiyeesay qaraxii fuleynimada ahaa ee ay gaysteen kooxda khawaarijta shalay oo ka dhacay magalada Baladweyne waxayna shacab weeyanha Soomaaliyeed ku boorisay in ay garab istaagaan dagaalka uu Madaxweenaha Jamhuuriyada Fedraalka uu hor kacaayo ee lagu baacsanaayo Khawaarijta.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaliya Waxaa ka go’an Horumarinta Caafimaadka guud ee dalka iyo sidii Bulsho waynta Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen adeeg Caafimaad oo tayo leh.

                                                                                               DHAMAAD

Previous Wasiirka caafimaadka oo qudbad ka jeediyay shir looga hadlaayay la dagaalanka Cudurka Qaaxada kaas lagu qabtay Magaalada New york

WASAARDDA

©Copyright 2023. FEDERAL MINISTRY OF HEALTH AND HUMAN SERVICES