Waa waajib in Masuuliyiinta iyo Shacabkuba sii laba laabno la dagaalanka khawaarijta looga sifeynayo Dalkeena Soomaaliya.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Dr. Maryama Mohamed Hussein oo dhinac taagneyd Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud tan iyo markuu fadhiga ka dhigtay Magaalada Dhuusamareeb, ayaa ku boorisay Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed in loo wada istaago Shaqada ladagaalanka iyo Sifeynta Khawaarijta laguna garab istaago Madaxweynaha aragtidiisa ku aadan in dalka laga ciribtiro aragtida guracan ee khawaarijta taasoo dillootay dalka iyo Shacabka Soomaiyeed.
Wasiiru Dowlaha ayaa ka dhawaajisay in ciidamada xoogga dalka ay si joogto ah guulo uga soo hooynayaan dagaalka ay kula jiraan khawarijta ee jiidda hore, ayna weli jiraan howlgalo badan oo looga hortagayo kooxaha argagaxisada ah.
Hadalka Wasiiru Dowladha Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa imaanaya iyadoo ciidamada Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Maamul gobaleedyada iyo dadka deegeenka ay sii wadaan howlgallada deegaanada Galmudug looga xoreynayo kooxaha khawaarijta. Wasaarada Caafimaad iyo Daryeelka Bulshada waxay mudnaan siinaysa balaarinta iyo helitaanka daryeel caafimaad ee magaalooyinka iyo tuulooyinka laga xoreeyay gacan ku haynta khawarijrta.
Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an helitaanka Caafimaad dhamaystiran oo tayo leh islamarkaana ka hirgala guud ahaan dalka si loo gaaro yoolka dowladda ee hagaajinta iyo xoojinta nidaamka Caafimaadka Soomaaliya.

                                                                                         DHAMAAD

 

Previous Wasiirka Caafimaadka ayaa khudbad ka jeediyay shirka UNGA78 oo looga hadlayey u diyaargarowga ka hortagga iyo ka jawaabidda cudurrada faafa

WASAARDDA

©Copyright 2023. FEDERAL MINISTRY OF HEALTH AND HUMAN SERVICES