Wasiirka Caafimaadka ayaa khudbad ka jeediyay shirka UNGA78 oo looga hadlayey u diyaargarowga ka hortagga iyo ka jawaabidda cudurrada faafa

Wasiirka Wasaaradda Caafimaafka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa khudbad ka jeediyay shirka UNGA78 oo looga hadlayey u diyaargarowga ka hortagga iyo ka jawaabidda cudurrada faafa. Shirka oo ahaa mid heer kiisu sareeyey waxaa kasoo qeybgalay Wasiiradda Caafimaadka dalalka Caalamka iyo kuwa arrimaha dibadda.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa oo khudbad dheer ka jeediyey Shirka ayaa iftiimiyey sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay wax ka qabato caqabadaha ka dhasha aafooyinka iyo xaaladaha ka dhasha Cudurada faafa waxa uuna sidoo kale faahfaahin ka bixiyey dhibaatooyinkii ay ka dhaxashey Soomaaliya Cudurad faafa isagoona xusey in dadka Soomaaliyeed u nugul yihiin xaaladaha qaar, waxa uuna tusaaleeyey xaaladihii u dambeeyey ee ka dhacay Soomaaliya sida Caabuqa COVID-19 oo dunidoo idil ekeeyey.

Wasiirka ayaa sidoo kale yiri si wax looga qabto khataraha ku wajahan Caafimaadka bulshada waa in aan si hufan oo wax ku ool ah ugu diyaar garownaa, waxaanu dhawaan mudnaanta siinay todobada zoonoses ee mudnaanta leh oo ay ku jiraan qandhada Rift Valley, Middle East breath syndrome, anthrax, trypanosomiasis, brucellosis, dulinnada zoonotic enteric, iyo fayraska hargabka zoonotic.

Kulanka ayaana ugu dambeyn waxaa kasoo baxay nuqulo waawayn oo xal u noqon kara dhibaatooyinka isdaba joogga ah ee ka dhasha Cudurada faafa ama ay sababaan, waxa uuna dal kasta ballan qaadey in ay uu fulin doona si ugu yaraan xal ragaadiya Cudurada faafa loogu helo.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an helitaanka Caafimaad dhamaystiran oo tayo leh islamarkaana ka hirgala guud ahaan dalka si loo gooro yoolka dowladda ee hagaajinta iyo xoojinta nidaamka Caafimaadka Soomaaliya.

                                                                                        DHAMAAD

   
Previous Wasiirka caafimaadka oo ka qaybgalay kulanka looga hadlayay Iswaafajinta maalgelinta Caafimaadka Caalamiga ah

WASAARDDA

©Copyright 2023. FEDERAL MINISTRY OF HEALTH AND HUMAN SERVICES