Wasiirka Caafimaadka oo ka qaybgalay Madashii 78-aad ee kalfadhiga Guud ee Qaramada Midoobay oo ka dhacay Magaalada New york ee dalka Maraykanka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam oo qeyb ka ahaa Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgalay Madashii 78-aad ee kalfadhiga Guud ee Qaramada Midoobay oo ka dhacay Magaalada New york ee dalka Maraykanka kaas oo uu hogaaminayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Xamza Cabdi Barre.

Madasha oo ay kasoo qeybgaleen madaxda Dowladaha caalamka ayaa diradda lagu saaray dooda guud ee sanadlaha ah iyo xal u helida caqabadaha isku xiran ee caalamiga ah si loo horumariyo nabadda, amniga, iyo horumarka waara.
Madashan ayaa sanad walba looga doodaa sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka waawayn ee ay dalalaka Caalamka la daalaa dhacayaan iyo sidii loo sii amba qaadi lahaa geediga horumarka loo dhan yahay ee qeyb waliba taabanayo.
DHAMAAD
 
Previous Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Mohamed Hassan Mohamed ayaa ka qaybgalay Munaasabadda Bixinta Kaarka Aqoonsiga Dadwaynaha

WASAARDDA

©Copyright 2023. FEDERAL MINISTRY OF HEALTH AND HUMAN SERVICES